Xaalad adag oo gudaha Mareykanka ka soo wajahday isticmaalka facebook

Toddobadii sano ee ugu dambaysay waxaa hoos u dhacay isticmaalka Facebook ee dhalinyarada Maraykanka ah, iyagoo taas bedelkeeda u wareegay inay isticmaalaan baraha bulshada ee Youtube iyo Tiktok sida lagu ogaaday Daraasad ay samaysay xarunta cilmi-baadhista ee Pew Research

Tiktok oo laga leeyahay dalka Shiinaha ayaa haatan kaalmaha ugu sarreeya kaga jira, baraha bulshada ee ay isticmaalaan dhalinyarada Maraykanka ahi, halka shabakadda Youtube ay tahay goobta ugu badan ee dhalinyaradaasi ay ku wadaagaan muuqaallada iyo macluumaadka ay baahinayaan.

Xogta ay soo bandhigtay Pew ayaa ku soo aadaysa xilli uu isku dayayo mulkiilaha shirkadda Facebook, inuu la yimaaddo aragti uu iskaga dhicinayo shirkadda Tiktok ee kala wareegtay macaamiishiisii baraha bulshada, isaga oo raba inuu ilaashado saamaynta uu leeyahay si uu u helo xayaysiiska uu ka sameeyo balaayiinta dollar.

Warbixinta ay soo bandhigtay Pew Research ayaa lagu sheegay in dhalinyarada la waraystay ay 95% sheegeen inay isticmaalaan Youtube, halka 67% ay leeyihiin Account Tiktok ah.

Kaliya 32% dhalinyarada la waraystay ayaa sheegay inay galaan ama isticmaalaan Facebook – taasoo muujinaysa hoos u dhac aad u weyn, marka la barbardhigo, xog ururin la sameeyey toddoba sano ka hor, taas oo muujinaysay in dhalinyarada Maraykanka ah ee isticmaasha Facebook inay gaarayaan illaa 71%.

Facebook ayaa haatan dhalinyarada qaarkeed u arkaan goob loogu talo galay dadka waaweyn, halka dhalinyaradu ka doonayaan inay baraha bulshada ku wadaagaan muuqaallo iyo sawiro.

 

- Advertisement -