Allbanaadir.com
NEWS

Xuutiyiinta oo weerar culus ku qaaday Telaabiib iyo kala carar ka jura

Kooxda Xuutiyiinta ee dalka Yemen, ayaa saakay weerar culus oo ay u adeegsadeen gantaalada nuuca balaastic-ga waxa ay ku qaadeen gudaha Israa’iil, gaar ahaan magaalada Telaabiib.

Gantaalada ay Xuutiyiinta ku weerareen caasimadda maamulka Israa’iil , ayaa wararku sheegayaan in khasaarooyin ka dhasheen, waxaa sidoo kale dadka magaaladaasi ku dhaqan lasoo dersay xaalad argagax iyo kala carar.

Xaalad bandow u eg ayaa saakay la galiyay magaalada Telaabiib ee caasimadda Israa’iil, waxaana dadka lagu wargaliyay in ay galaan goobo ay uga gabaad galaan gantaalada ay Xuutiyiinta kusoo weerartay caasimadda Israa’iil.

Weerarkan ayaa imaanaya xilli maamulka Israa’iil uu ku hanjabtay inay hoggaamiyayaasha Xuutiyiinta u beegsan doonta sida hoggaanka Xisbullah,  halka kooxda Xuutiyiinta iyana ku hanjabtay in ay sii xoojinayaan weerarada ka dhanka ah Israa’iil.

Related posts

War Cusub oo kasoo kordhay Dibad Baxyadii ka socday dalka Sudan

Cabdi Cade

Dowladaha Soomaaliya iyo Sudan oo gaaray Heshiis Is-Faham iyo Abuu Mansuur oo..

Cabdi Cade

Taliska Booliska oo ka hadlay sababta loo xiray Max’uud Cali Hayste Ramaax

Caydiid Ali
Taboola Ads ---