Allbanaadir.com
NEWS

Dhambaal laga waday Madaxweyne Xasan Sheekh oo la gaarsiiyay Suldaanka Cumaan

Ergayga gaarka ah ee gurmadka abaaraha C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa dhanbaal qoraal ah oo uu ka siday Madaxweyne  Xasan Sheekh oo ku aadan gurmadka abaaraha maanta gaarsiiye Sultaanka Dawlada Cumaan, Sultan Haytham Bin Dhaariq.

Waxaa dhanbaalka ka gudoomay Cabdiraxmaan Cabdishakuur ergayga Sayyid Shihab bin Tariq Al Said oo ah Raysalwasaare ku xigeenka dalka Cumaan, ahna wasiirka gaashaandhiga.

Ergayga ayaa uga waramay xaalada ba’an ee saamaynta abaaraha iyo sidii ay dawlada Cumaan gacan uga gaynsan lahayd gurmadka abaaraha. Cumaan waxay ka mid tahay dawladaha ugu badan ee dhoofsada xoolaha Soomaaliya.

Waxaa kulanka ku wehliyey sii haya safiirka dowladda federaalka Soomaaliya u jooga  Cumman, Cismaan Axmad Maxamad iyo Ustaad Xasan Qorane oo ah la taliyaha ergeyga ee arrimaha carabta.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Kamala Harris oo si adag uga hadashay Weerar Israa’il fulisay

Cabdi Cade

Midowga Afrika oo talaabo qaaday ka dib afgembigii ka dhacay Gabon

Caydiid Ali

Madaxweyne Laftagareen oo Shaaciyay Muddada Al Shabaab uga saari doonaan KG

Cabdi Cade
Taboola Ads ---