Allbanaadir.com
NEWS

Ra’isul Wasaare Xamse oo xilka u kala wareejiyay Abuu Mansuur iyo Sheekh Cumar Cali (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Hamza Abdi Barre, ayaa xilka u kala wareejiyey Wasiirka cusub ee Wasaarada Diinta iyo Awqaafta Mudane Sheekh Mukhtaar Roobow Cali iyo Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Mudane Sheekh Cumar Cali Rooble.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku boggaadiyey Wasiirkii Hore, wakhtiga uu ku bixiyey u khidmeynta dalkiisa iyo diintiisa iyo sida uu diyaarka ugu yahay in uu shaqadan ku garab istaago Wasiirka xilka kala wareegay.

Xamse Barre ayaa tilmaamay muhiimadda ay wasaaradda Owqaafta iyo arrimaha Diinta u leedahay toosinta dowladnimada iyo ilaalinta diinta iyo dhaqanka suubban ee dadka Soomaaliyeed.

Ra’isul Wasaare Xamse Barre ayaa xilalka u kala wareejiyay qaar kamid ah wasiiradda cusub iyo wasiiradii xukuumaddii hore, waxaana wali socota kala wareega xilalka wasiirada cusub iyo kuwii hore.

Related posts

Xukun dil ah oo lagu riday rag dil iyo Afduub geestay

Cabdi Cade

Daawo Sawirada: Shir looga hadlayay Dar Dar Gelinta Horumarinta G/Banaadir oo lagu qabtay Muqdisho

Cabdi Cade

Baarlamanka DDSI oo Jigjiga ku yeelanaya kulan looga hadlayo qodobo xasaasi ah

Caydiid Ali
Taboola Ads ---