Qaar kamid ah Wasiiradda xukuumadda cusub oo maanta xilka la wareegay (Sawirro)

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Salah Jama, ayaa maanta xilka u kala wareejiyey, Wasiirkii hore ee Caafimaadka, Marwo Foosiya Abiikar Nuur iyo Wasiirka cusub ee Wasaaradda Caafimaadka Mudane Cali Xaaji Aadan.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa uga mahad celiyey Wasiirkii hore, shaqooyinkii ay dalka iyo dadka Soomaaliyeed u soo qabatay, isagoo Wasiirka cusub Alle uga baryey in uu u fududeeyo masuuliyadda culus.

Waxaa sidoo kale Ra’isul Wasaare kuxigeenka dalka xilka u kala wareejiyay Wasiirka cusub ee Wasaaradda Macdanta iyo Batroolka XFS , Mudane Cabdirisaaq Cumar Maxamed iyo Wasiirkii hore ee Wasaaradda, Mudane Cabdirashiid Maxamed Axmed.

Wasiiradda cusub ee xukuumadda Soomaaliya ayaa xilka kala wareegaya wasiirada xukuumaddii hore ee Ra’isul Wasaare Rooble, waxaana maanta xilka la wareegay dhoor wasiir, iyadoona sidoo kale shalay xilka la wareegeen wasiirro kale.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -