Waqtiga rasmiga ah ee Soomaaliya lagu soo wareejinayo maamulka hawada oo la shaaciyay

Wasiirka Gadiidka iyo Duulista Hawadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  Maxamed C/llaahi Oomaar ayaa shaaca ka qaaday in maamulka hawada Soomaaliya dowlada lagu soo wareejinayo maalmo kadib.

Wasiirka oo hada ku sugan magaalada Edmanton ee Gobolka Alberto ee dalka Canada ayaa sheegay in ay ku guuleesteen in lagu soo wareejiyo hawada Soomaaliya, waxa uuna xusay in 28-ka bishan December si buuxda Soomaaliya ula wareegeyso maamulka hawada.

“Illaahaa mahadda leh waxaan ugu bishaareynaynaa shacabka Soomaaliyeed sidii aan balanqaadnay in 28ka bishan aan si rasmi ah ula wareegno Hawadad Soomaaliya,waxaanu qaban doonaan xaflad ballaaran oo lagu dahfurayo xafiiska” Ayuu yiri Omaar.

Waxa uu sheegay Wasiirka Gaadiidka Soomaaliya in ahmiyad weyn ugu fadhiso in Soomaaliya hawadeeda maamulato mudo 27-sano kadib, waxa uuna cadeeyay in ani ay tahay guul umada Soomaaliyeed usoo hoyatay.

Wasiirka ayaa cadeeyay inta laga helayo shaqaalo Soomaaliyeed oo si buuxda ula wareega maamulka Hawdaa Soomaaliya in ay jiri doonaan dad ajaaniib ah iyo xubno  katirsan  Hay’adda ECAO ay kala shaqeyn doonaan maamulida hawada .

“Dad ajinabi ah iyo kuwa kale ee Hay’adda ECAO way ku lugyeelan doonaan ilaa aan tababarno shaqaale Soomaaliyeed oo awood u leh in ay maamulaan hawadda Soomaaliya,malintii aan u diyaar garowno in aan awood u yeelano sirasmi ah ayay shaqaalaheena shaqada kelidooda maamulidoonaan,inta ka horeysay tababara ayaan siinaynaa,balse muhiimaddu waa in dowladda Soomaaliya ay lasocoto maamulka Hawadeeda” Ayuu yiri Wasiir Omar.

Soomaaliya ayaan ku guuleesan in hawadeeda maamulato  27-dii sano ee lasoo dhaafay , waana guul hada dowladu ku faani karo in sanado badan kadib ku guuleesato in Maamulka hawada dib loogu soo celiyo dowlada lagana maamulo Muqdisho.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -