Axmed Madoobe oo Kismaayo ka daahfuray dhismaha Mashruuc cusub (Daawo Sawirro)

Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta Magaalada Kismaayo ka daah furay mashruuca bixinta wadada kala qaybisa Kismaayadii hore iyo Kismaayada Casriga ah.

Wadadan ayaa loogu tala galay inay kala badho Magaaladii hore iyo Kismaayada Casriga ah oo la jaan qaadaysa Magaalooyinka Ganacsi ee aduunka.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa sheegay in ay tahay wax wanaagsan oo Bulshada anfacaya in la diyaariyo Magaalo Cusub oo dhamaan Adeegyadii Bulshada ay u dhan yihiin taas oo ay maanta laga bilaabo astaan kala qaybisa labada Magaalo wadadan noqonayso.

Magaaladii hore ayuu Madaxweynahu sheegay in dib u habayn balaadhan lagu samaynayo si ay bilicdeeda dib ugu soo noqoto sidoo kalana Magaaladan Cusub ay la jaan qaadi doonto Magaalooyinka Ganacsi ee aduunka iyadoo wixii Siyaasad ah loo rarayo Caasimada oo hada uu socdo qorshahii lagu xorayn lahaa.

Dhamaan qurbajoogta degaanka ayuu ugu baaqay in Magaaladan Cusub ay maalgashadaan oo ay soo dagaan iyadoo loogu tala galay in ay ku noolan karaan shan malyan oo qof oo helaya dhamaan Adeegyada Aasaasiga ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -