Cunno-qabateyn adag oo lagu soo rogey Kuuriyada Waqooyi iyo Dowlada Shiinaha oo…

Kulan shalay oo jimco ah yeesheen Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobey ayaa cunaqabateyn hor leh lagu saaray Dowlada Waqooyiga Kuuriya, oo iska indho tirtay digniino horey loo siiyay.

Dowlada Kuuriyada Waqooyi ayaa lagu eedeeyay in dhagaha ka fureesatay baaqyo loo jeediyay oo ku aadanaa in ay joojiso tijaabinta gantaalada cusub ee loo arko in ay soo kordhinayaan khataro cusub.

Cunaqabateynta adag ee lagu soo rogay Kuuriyada Waqooyi ayaa saameyn doonta Saliida ama shidaalka dalkaasi dibadda ka soo dhoofsado, waxa ay sidoo kale saameyn badan ku yeelan doontaa Muwaadiniin badan oo u dhashay dalkaasi oo kunool wadamo kale.

Cunaqabateyntan cusub ayaa mamnuuc ka dhigaya in dadka Kuuriyada Waqooyi ay ka shaqeyaan dalalka dibadda, waxaana uu dhigayaa dhamaan kuwa ku sugan dibadda ee Shaqaalaha ah in ay dib ugu laabtaan dalkoodi muddo sanad gudihiis ah.

Dowlada Shiinaha oo horey u taageeri jirtay dowlada Kuuriyada Waqooyi ayaa taageertay cunaqabateyntan cusub ee lagu soo rogay Kuuriyada Waqooyi, waxaana qaraarkan meel mariyeen golaha amaanka kasoo shaqeeyay dowlada Mareykanka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -