Allbanaadir.com
NEWSSOUTH WEST

Weerar Dhiig badan ku daatay oo lagu qaaday Goob ay ka socotay Xaflad Aroos

Koox qoryo ku hubeesnaa oon heebtooda la garan ayaa xalay weerar ku qaaday goob ay ka socotay mashxarada iyo farxada xaflad aroos , waxaana weerarkan ka dhashay khasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Weerarkan ayaan ka dhacay tuulada Cadayleey oo u dhow degaanka Buulalow oo hoostaga degmada Afgooye, waxaana raga hubeesan rasaas ku fureen dad badan oo ku sugnaa xaflada arooska.

Inta la xaqiijiyay weerarkan waxaa ku dhintay shan qof halka ay ku dhaawacmeen sagaal qof oo kale, waxaana dadka dhaawacyada weerarkan kasoo gaaray loo soo qaaday magaalooyinka Afgooye iyo Muqdisho.

Ciidamo katirsan dowladda ayaa gaaray tuulada weerarku ka dhacay, waxa ayna ciidamada halkaasi ka sameeyeen howlgalo ay ku baadigoobayeen kooxdii weerarka geesatay oon wali heebtooda la aqoonsan.

Laamaha amniga iyo maamulka degmada Afgooye ayaana wali ka hadlin weerarkan lagu qaaday goobta ay ka socotay xaflada arooska, lamana oga ilaa hada cida weerarkan fulisay iyo sababta ka dambeesay.

Habeeno kahor ayaa sidaan oo kale nin hubeesan weerar dhaliyay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ku qaaday goob iyana ay ka socotay xaflad aroos oo kutaalla duleedka degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

RW Xamse oo daah-furay Imtixaan ay ka qeyb galayaan 8000 kun oo qof (Sawirro)

Caydiid Ali

Hormuud Salaam Foundation oo daahfurtey Mashruuca Taakuleynta iyo Afurinta ee Bisha  Ramadaan (Sawirro)

Cabdi Cade

Weerar Caawa ka dhacay Muqdisho iyo Khasaaro kala duwan oo ka dhashay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---