Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Wararkii Ugu Dambeeyay Natiijada Doorashada Kenya iyo Labo Musharax oo si weyn isku haya

Dalka Kenya waxaa shalay ka dhacday doorasho si weyn loo wada sugayay , waxaana doorashadan oo loogu tartamayo xilka Madaxweynaha iyo kuraasta kale ee Baarlamaanka ku loolamaya musharaxiin tiro badan oo iska soo horjeeda.

Loolanka doorashada ka socota dalka Kenya ayaa si weyn ugu dhaxeesa madaxweyne ku xigeenka dalka Kenya William Ruto iyo hoggaamiyaha mucaaradka Raila Odinga, labadan musharax ayaana si weyn loo saadaalinayaa in midkood kusoo baxo xilka Madaxweynaha.

Labadan Musharax ee ku tartamaya xilka Madaxweynaha Kenya ayey aad iskugu dhow yihiin codadka ilaa hadda la tiriyay oo gaaraya 1.2 milyan oo cod, waxaana tirfinta tijaabada ay sameeyeen Warbaahinta Kenya wax yar horeeya William Ruto .

Guddiga doorashada Qaranka ee Kenya ayaa ku mashquulsan tirinta codadka musharaxiinta tartanka u dhaxeeyo, waxaana Madaxweynaha Kenya noqonaya musharaxa hela codadka la tiriyo  50% oo lagu daray hal cod (50%+1)

Doorashada dalka Kenya shalay ka bilaabatay ayaa muhiim ah u ah xassiloonida dhaqaalaha ugu weyn Bariga Afrika, kadib markii labo ka mid ah saddexdii doorasho ee ugu dambeysay ay hareeyeen rabshado iyo musuqmaasuq.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Qadkii Internetka ee K/Somalia oo shan saacadood ka dib hawada ku soo laabtay

Caydiid Ali

Wasiirka Arimaha Dibadda Malawi oo Salaan soo gaarsiiyay Madaxweyne Biixi (Sawirro)

Cabdi Cade

Qeyb Muhiim ah oo lagu kordhiyey xabsiga dhexe ee Magaalada Garoowe (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---