Allbanaadir.com
NEWS

Weerar Caawa ka dhacay Muqdisho iyo Khasaaro kala duwan oo ka dhashay

Waxaa caawa weerar bambaano lagu qaaday Guri uu magaalada Muqdisho ka dagan yahay Taliyihii hore ee ciidanka Howlgalada Nabad sugida Maxamed Abuukar Jacfar .

Sida aan wararka ku helnay labo bambaano ayaa lagu tuuray Guriga uu degmada Howl wadaag gaar ahaan agagaarka Iskoolka Dhagax Tuur ka dagan yahay Jacfar oo kamid ah Saraakiisha ciidanka Nabad sugida.

Qaraxa kadib ayaa la sheegay ciidamo katirsan ilaalada gurigaasi in ay rasaas fureen, waxaana warar soo baxaya sheegayaan in ay baxsadeen ragii ka dambeeyay weerarka bambaano .

Inta la xaqiijiyay Haweeney iyo gabar yar ay dhashay oo wadada socday ayaa ku dhintay  qaraxa bambaano , mana la sheegin wax khasaaro ah oo soo gaaray ilaalada iyo dadkii kale ee ku sugna aguriga la weeraray .

Magaalada Muqdisho waxaa mararka qaar ka dhaca weeraro loo adeegsado bambanaooyinka gacanta laga tuuro, waxaana inta badan lagu weeraraa xarumaha ciidanka iyo guryo ay dagan yihiin masuuliyiin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowladda oo shaacisay in Al Shabaab lagu jabiyay weerarkii saakay

Cabdi Cade

Putin oo booqasho xasaasi ah ku tagaya dalal carbeed iyo ujeedka safarkiisa

Caydiid Ali

John Mahama oo mar kale loo doortay Madaxweyne kana adkaaday xisbigs NPP

Cabdi Cade
Taboola Ads ---