Xubin ka baxay guddigii uu Magacaabay Shiikh Aadan Madoobe

Xubin ka tirsanaa Guddigii uu magacaabay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa ka cudurdaartay ka mid noqoshada guddiga

Shiikh Aadan Madoobe ayaa guddigan u xilsaaray iney soo baaraan dhacdadii nidaam darada ee 7dii bishan ka dhacday Xarunta Golaha, halkaasoo dhowr Xildhibaan ay fowdo ka sameeyeen fadhiga, halka mid ka mid ah Xildhibaanada uu Guddoonka ku tuuray caag.

Xildhibaan C/raxmaan Odowaa oo ka tirsanaa guddigan ayaa ka cudurdaartay ka mid noqoshada isago aan cadeynin sababta.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa facebook ayaa u qornaa sidatan:-

Ka cudur daarasho.

Anigoo u mahad celinaya gudoomiyaha golaha shacabka JFS Mudane Sh Aadan Maxamed Nuur (Sh Aadan Madoobe), haddana waxaan ka cudur daaranayaa ka mid noqoshada xubinimada guddigaan hoos ku lifaaqan.

Xildhibaanada saxiibadeey ah waxaan kula dardaarmayaa in aan mar walba ilaalinno anashax iyo dhaqanka wanaagsan, xasuusnaana inaan nahay indhihii dalka.

Mahadsnaidiin

- Advertisement -