Wararkii u dambeeyey qaraxii Baydhabo & Laftagareen oo si kulul uga hadlay

Waxaa soo baxaya faahfaahino ku saabsan qarax Duhurnimadii maanta ka dhacay afaafka hore ee masaajid ku yaalla magaalada Baydhabo

Qaraxaas ayaa waxaa lagu dilay dhowr qof oo uu ku jiray Shiikh Xasan Ibraahim Lugbuur oo ahaa Wasiirkii Caddaaladda maamulka Koonfur galbeed.

Sidii kale dadka la geeriyooday Wasiirka ayaa waxaa ka mid ah Wiil ka mid ah caruurta uu dhalay oo magaciisa la oran jiray Cabdirisaaq iyo darawalkiisa.

Qaraxa ayaa haleelay Wasiirka xilli uu ka soo baxayey masaajidka oo uu salaadda Jimcaha ku soo tukaday, warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qaabka uu qaraxaas u dhacay, qaarkood waxay sheegayaan inuu fuliyey nin ismiidaamiyey, halka warar kalena tilmaamayaan qaraxu inuu ahaa miino lagu diyaariyay banaanka Masaajidka.

Waxaa sidoo kale ku dhaawacmay qaraxaas ku dhowaad 10 ruux oo ay ku jiraan labo wiil oo uu dhalay wasiirka iyo agaasimhii Wasaarada Cadaalada Koonfur galbeed.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa tacsi tiiranyo leh u diray qoyska, qaraabada iyo dhammaan Ummada Soomaaliyeed gaar ahaan Bulshada Koonfur Galbeed  ee uu ka baxay Allaha u naxariistee Marxuum Shekh Xasan Ibraahim (Lugbuur) Wasiirka Cadaalada Koonfur Galbeed.

Madaxweynaha ayaa xusay in Marxuum Lugbuur uu ahaa Halyeey waqti badan soo galiyay dib u heshiisiinta iyo horumarinta bulshada Koonfur Galbeed, isagoo si gaar ah u xusay doorkii wanaagsanaa ee uu kulahaa intii uu Xilalka kala duwan uu qabtay sida uu ugu adeegay bulshada Soomaaliyeed.

Madaxweyne Laftagareen ayaa Marxuumka Alle uga baryey in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Firdowsa, qoyskiisa iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyoodeyna samir iyo iimaan ka siiyo,inta ku dhaawacantayna Alle uga bariyey inuu u booga dhayo

 

- Advertisement -