Madaxweyne Siciid Deni oo magacaabay Saddex Lataliye cusub (Akhriso Magacyada)

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne LR 41, LR 42 , LR 43 oo ku saabsan magacaabid Saddex La-taliye Madaxweyne.

Wareegtada uu soo saaray Madaxweyne Deni ayaa lagu magacaabay La-taliyayaasha Siyaasadda iyo Dimuqraadiyadda, La-taliyaha Mashaariicda iyo Kheyraadka Dabiiciga iyo La-taliyaha Arrimaha Bulshada.

Wareegtada Madaxweyne Deni ayaa u qorneed sida tan:

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad.

Markuu arkay: Aqoontooda iyo waayo-aragnimadooda shaqo.
Wuxuu xeeriyey:

1. Waxaa Maxamed Cali Faarax (Farmayeeri) loo magacaabay La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Bulshada.

2. Waxaa Cismaan Yuusuf Maxamuud loo magacaabay La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Siyaasadda iyo Dimuqraadiyadda.

3. Waxaa Axmed Siciid Ismaaciil (Qolombi) loo magacaabay La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Mashaariicda iyo Kheyraadka Dabiiciga ah.

*Xeerkani wuxuu dhaqangelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -