Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

Ciidamada PSF oo soo bandhigay Muuqaalada Dagaalyahano Ajnabi ah oo Daacish ku biiray (Sawirro)

Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee loogu tala galay difaaca maamulka Puntland ayaa dhawwaan howlgal ay sameeyeen waxa ay kusoo qabteen rag ajaaniib ah oo la sheegay in Puntland u yimaadeen ku biirista kooxda Daacish.

Raggan ajaaniibta ah oo u dhashay Qowmiyada Aromada Itoobiya ayaa gobolka Bari u yimid sidii ay ugu biiri lahaayeen kooxda Daacish ee ku sugan buuraha gobolka Bari, waxaana raggan markii dambe gacanta ku dhigay ciidamada PSF .

Muuqaal ay baahiyeen ciidamada PSF ayaa lagu wareestay qaar kamid ah ragan u dhashay Itoobiya ee u yimid Puntland in ay qeyb ka noqdaan Daacish, waxa ayna ragan sheegeen in lagu soo qalday imaanshahooda Puntland iyo ku biirista Daacish.

Wareysiga ay dhiibeen raggan qaarkood ayey ku sheegeen in la geeyay meel baadiyo ah ayna kusoo dhaweeyeen rag hubeesan oo katirsan Daacish, waxa ayna xuseen in markii dambe loo dhiibay labo nin oo meel kale oo cidlo ah u kaxeeyay.

Waxa ay sheegeen ragan Oromada ah qaarkood in iyagu go’aansadeen in ay kasoo baxsadaan kooxda Daacish, kaddib markii ay arkeen halka ay joogaan iyo nolosha ay ku jiraan sidaasna ciidamada isugu soo dhiibeen.

Warar soo baxayay ayaa sheegaya in Hoggaanka kooxda Daacish in uu dhawaan la wareegay nin u dhashay qawmiyada Oromada, arrintaasi oo la rumeysan yahay inay sare u qaaday tirada Itoobiyaanka doonaya inay kooxdaasi ku biiraan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Villa Soomaaliya oo fashilisay talaabo uu qaaday Ra’isul Wasaare Rooble iyo Cadaadis…

Cabdi Cade

Qatar oo shaacisay xiliga cusub ee ay bilabaneyso xabad joojinta Xamaas iyo Israel

Caydiid Ali

Qoorqoor oo dhameystiray xubno ka dhinaa Wasiirada Galmudug (Qabiilada & Magacyada)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---