Khasaaro Dhimasho oo ka dhashay rasaas lagu furay Goob Xaflad aroos ka socotay

Wararka ka imaanaya degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in nin hubeesan xalay rasaas ku furay goob ay ku sugnaayeen dad ka qeyb galayay xaflad aroos oo ka socotay deegaanka Qoolaali ee kuyaalla duleedka Caabudwaaq.

Inta la xaqiijiyay rasaasta ninkan hubeesan ku furay goobta xaflada arooska ka socotay waxaa ku dhintay hal qof halka ay ku dhaawacmeen saddex qof oo kale, waxaana goobtii farxada ka socotay mar qura isku bedeshay goob murugo.

Ciidamada ammaanka maamulka Galmudug oo gaaray deegaanka dhibku ka dhacay ayaa ku guul dareestay in ay soo qabtaan ninkii rasaasta furay, waxa ayna ciidamada wadaan howlgalo ay ku baadi goobayaan ninka gacan ku dhiiglaha ah.

Saraakiisha ciidamada ee ku sugan degmada Caabudwaaq ayaa sheegay in ay soo qaban doonaan ninka gacan ku dhiiglaha, waxa ayna xuseen in ninkaasi la horgeyn doono caddaalada si loo marsiiyo ciqaabta dhibka uu geestay.

Degmada Caabudwaaq iyo deegaanada hoostaga ayaa waxaa ku badan dilalka salka ku haya aanooyinka qabiil, waxaana odayaasha dhaqanka iyo maamulka Galmudug ku guuldareesteen in maleeshiyaadka hubeesan laga dhigo hubka si dilalka u yaraadaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -