Allbanaadir.com
NEWS

Sargaal sare oo katirsanaa Ciidanka Nabad Sugida oo goordhaw lagu dilay Muqdisho

Kooxo hubeesan ayaa goordhaw agagaarka Isbitaalka Banaadir gaar ahaan goob lagu iibiyo qudaarta waxa ay ku dileen nin la sheegay in uu katirsanaa saraakiisha ciidanka Nabad sugida iyo sirdoonka qaranka.

Sida aan wararka ku helnay Sargaalka la dilay oo lagu magacaabayay Maxamed Cabdullaahi Garasey (Sheekh Cajaa’ib) ayaa la dilay xilli uu gaarigiisa ku dhax jiray uuna iibsanayay qudaar sida goobjoogayaal sheegeen.

Kooxdii dilka geesatay ayaa goobta si degdeg ah uga baxsatay, waxaana wararka soo baxaya sheegayaan in kooxdan dilka fulisay horey usii qaadateen biskoolad iyo laptob uu watay sargaalka ay dileen.

Ciidamada ammaanka dowladda Soomaaliya oo dilka kaddib goobta soo gaaray ayaa bilaabay baaritaano, lamana soo sheegin ciidamada dad ay usoo qabteen dilkan goordhaw ka dhacay magaalada Muqdisho.

Sargaalkan la dilay ayaa horey uga mid ahaa maxaakiimtii islaamka, waxa uuna markii dambe kamid noqday ciidamada dowladda gaar ahaan sarakaiisha hay’adda NISA uu sannado badan katirsanaa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowladda oo shaacisay in isbadalka cimilada ee dalka ka jira halis ku tahay amniga Qaranka

Cabdi Cade

RW Rooble oo soo saaray qoraalka faafinta & dhaqan-galinta heshiiskii doorashada

Caydiid Ali

Xogta kulan dhexmaray Wasiir Fiqi iyo Danjire Mohamed Bamba (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---