Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Golaha Shacabka oo maanta codka kalsoonida u qaadaya Xukuumada cusub

Baarlamanka Soomaaliya ayaa Maanta yeelanaya kulan Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre uu ku horgeynayo Golihiisa Wasiirada ee dhawaan uu Magacaabay.

Guddoonka Golaha Shacabka ayaa ku wargeliyay Xildhibaannada Golaha Shacabka in Maanta Xarunta Villa Hargeysa uu ka dhacayo Kulanka Golaha, Isla markaana Ajandaha uu yahay u codeynta Xukuumadda cusub iyo Barnaamijkeeda.

Ka hor cod u qaadista Golaha Wasiirada ayaa la filayaa in Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre uu hadal u jeediyo Xildhibaannada Golaha Shacabka, isagoo soo bandhigi doona Barnaamijka xukuumaddiisa, kana codsan doono Golaha Shacabka inay Xukuumadda meel mariyaan.

Xubnaha Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa maalmahan kulamo gaar gaar ah la yeelanayeen Xildhibaannada ku matala Golaha  Shacabka, iyagoo weydiisanayay inay codka kalsoonida siiyaan, waxaana loo badinayaa in in si buuxda loo ansixiyo maanta.

 

Related posts

Booliska Muqdisho oo xiray nin ku kacay fal argagax leh

Caydiid Ali

Shirkii Madaxda Soomaalida uga socday Garoowe oo fashil qarka u saaran

Caydiid Ali

Muxuu yahay Xeerka cusub ee WhatsApp ku rabo inuu dadka ku dirqiyo?

Caydiid Ali
Taboola Ads ---