Muxuu yahay Xeerka cusub ee WhatsApp ku rabo inuu dadka ku dirqiyo?

Baranaamijka WhatsApp-ka waxaa isticmaala malaayiin dad ah oo fariimaha isku dhaafsada maalin walba hadda dadkaasi walaac badan ayey ka qabaan xeerka cusub ee WhatsApp ku rabo inuu dadka ku dirqiyo bisha soo socota.

Yaa leh WhatsApp?

Sanadkii 2014 ka ayaa shirkadda Facebook ay ku iibsatay barnaamijkan adduun dhan 19 bilyan oo doolar wixii intaa ka danbeeysay Facebook wuxuu isku dayay in App-ka uu la mideeyo Barnaamijyadooda kale sida Messenger-ka Instagram iyo Facebook balse taasi ma ahayn mid sahlan waayo inta badan dadka isticmaala WhatsApp ka waa kuwo isticmaali jiray ka hor inta uusan Facebook gu gadan.

Maxaa Hadda Isbedelay?

Sanadihii ugu danbeeyay Facebook wuxuu rabay in dadka isticmaala WhatsApp-ka  ay uga faa’ideeystaan dhinaca Facebook siiba dhanka xayasiinada sidaa daraadeed waxaay wax ka badeleen xeerarkii WhatsApp-ka oo waxaay ku soo dareen in macluumaadka dadka isticmaala WhatsApp-ka lala wadaagi karo Facebook ga.

Xeerku ma ahan mid cusub oo waa uu jiray indhawaalaba balse dadku waa ay kala dooran kareen aqbalaadiisa iyo diidmadiisa.

Hadda dadku waxaay heystaan ilaa bisha February 8 in ay ku aqbalaan xeerkaan haddii kale ma isticmaali doonaan WhatsApp-ka ..

Muxuu Yahay Xeerkani?

Marka hore waa inaan ogaanaa sida WhatsApp u dhoowro fariimaha ay isku diraan dadka isticmaala..

Mar kasta oo aad fariin dirto fariintaasi inta aysan gaarin qofkii aad u dirtay waxaay sii dhex martaa barnaamij fariintii u badala xarfo iyo lanbaro isku qasan oo waxa laga wado aysan cidna fahmi karin  (Encryption) ayaa afka Ingiriisiga lagu yiraah waa teknolojiyada ay isticmalaan taleefoonada madaxda dunida si aan codkooda loo dhageysan.

Xitaa haddii shaqaalaha WhatsApp ku iskudayaan in fariintaadii ay aqriyaan ma aqrin karaan.

Macluumaadka larabo in Facebook loo gudbiyo ma ahan waxa la isku diro sida fariimaha, cododka, masawirada iyo muuqaalada ee waa macluumaadka qofka sida taleefoon lanbarkaaga, magaca kuugu qoran, sawirka kuu saaran iyo dadka aad la xiriirto macluumaadkooda. Waa waxa loo yaqaano (personal data).

Facebook wuxuu sheegay in dadka ku nool wadama hoostaga midowga Yurub iyo UK aysan arrintaan quseeyn balse laga rabo in ay xeerka aqbalaan un.

Yaa Arrintaan ka Faa’ideeysanaya?

Mar kasta oo ay dhacaan isbadaladaan oo kale waxaa ka faa’ideeysta shirkadaha tartanka ku jira tusaale hadda arrintaan waxaa aad uga faa’ideeysana barnaamijka la midka ah WhatsApp ka ee SIGNAL oo ay leeyihiin qaar ka mid ah raggii WhatsApp ka laga iibsaday 2014.

Waxaa isku duway: Maxamed C/llaahi Aadan (Siidii)

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -