Allbanaadir.com
NEWS

Xiisad ka taagan Degmo kuwada sugan yihiin Masuuliyiin katirsan Puntland iyo Somaliland

Wararka ka imaanaya degmada Boocame oo katirsan gobolka Sool ayaa sheegaya in halkaasi ay ka taagan tahay xiisad u dhaxeesa maamulada Somaliland iyo Puntland oo mid kastaahi sheegto in deegaanka maamulo.

Degmada Bocame waxaa gaaray wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Gobolka Sool ugu magacaaban Somaliland Cabdikariin Aaden Xaaji Diiriye iyo ciidamo aad u tiro badan uu wato guddoomiyaha.

Waxaa sidoo kale degmada Boocame qeybo kamid ah ku sugan  wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka duulista Hawada iyo Garoomada Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor , waxaana wafdigan sidoo kale la socda ciidamo badan.

Dhaq dhaqaaqyo ciidan ay wadaan labada ciidan ee kala taabacsan maamulada Somaliland iyo Puntland ayaa laga dareemayaa Boocame , waxaana xaalada degmadaasi maanta yahay mid ka duwan sidii hore.

Maamulada Somaliland iyo Puntland ayaa isku haya gacan ku heynta iyo maamulida degmooytin iyo deegaano badan oo katirsan gobolada Sool iyo Sanaag, waxaana labada maamul mis kasta sheegtaa in goboladaasi katirsan yahay maamulkooda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Bangiga Dhaxe oo amar ku bixiyay in la qaato lacagta 50-ka Dollar

Cabdi Cade

Midowga Afrika oo War kasoo saaray rabshadaha iyo xiisada Siyaasadeed ee Kenya ka taagan

Cabdi Cade

Hotelka Saxafi oo labo sano kadib maanta dib loo furay (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---