Ciidamo loogu tala galay in ay la Dagaalamaan Al Shabaab oo tababar loo soo xiray (Sawirro)

Xero milatari oo kutaalla magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee maamulka Koonfur Galbeed ,waxaa tababar loogu soo xiray ciidamo katirsan milatariga Soomaaliya oo halkaasi tababar uga socday.

Taliyaha Qeybta 60aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Gaashanle Sare Ibraahim Cusmaan Maxamed (Tifow ) ayaa tababarka usoo xiray ciidankan oo kamid noqonaya ururada  51aad 260aad ee Guutada 9aad Qeybta 60aad.

Jenaraal Tifow oo ka hadlay munaasabadda ciidamadan tababarka loogu soo xirayay ayaa sheegay in ciidankan loogu tala galay in ay qeyb ka noqdaan dagaalka looga soo horjeedo Al Shabaab loogana xoreenayo deegaanada Koonfur Galbeed.

Taliyaha ayaa ku amray aaraakiisha iyo ciidamada tababarka loo soo xiray inay si wanaagsan u gutaan waajibaadkooda Shaqo una diyaar garoobaan howlgallo ka dhan ah Ururka Al-Shabaab ee dhawaan bilaabanaya.

Ciidamadan kamid noqonaya milatariga Soomaaliya ee tababarka loo soo xiray ayaa waxaa tababarka siinayay saraakiil iyo ciidamo katirsan milatariga Britian, waxaana ciidamadan la sheegay in la siiyay tababar aad u sareeya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -