Allbanaadir.com
HIRSHABELLENEWS

Madaxweynaha Hirshabeelle oo Cadaadis caburin ah ku hayo Bulahada Magaalada Buulo-Burte

Waxaa soo badanayo Cabashooyinka Joogtada ah ee ka dhanka ah Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare,waxa uuna amar ku bixiyey in la xirxiro qaar ka mid ah Dhalinyarada Magaalada Buulo-Burte oo qabtay Shir loogu soo horjeeday Maamul xumadiisa.

Howsha Caburinta waxa uu ku amray in uu Sameeyo Gudoomiyaha Degmada Buulo-Burte Cabdi Daahir Guure oo isku heeb ay yihiin Waare,waxa uuna dhalinyarada ugu hanjabay Khadka Taleefanka isaga oo ugu goodiyey in uu ku shabadeenayo in ay yihiin Al-shabaab haddii ay markale shir ka dhan ah Hirshabeelle ay qabtaan.

Magaalada Buulo-Burte ayaa Todobaadkii tagay waxaa lagu qabtay Shirar loogu baaqay Hoggaanka Hirshabeelke in ay is casilaan maadaama Madaxweyne Waare faraha la galay iska horkeenidda iyo kala qeybinta beelaha Hirshabeelle.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Ra’isul Wasaare Xamse Barre oo daah-furay koobka dowlad goboleedyada (Sawirro)

Cabdi Cade

Caddaanka South Afrika oo taageeray hadalkii Madaxweyne Trump

Cabdi Cade

(Sawirro) Raisal Wasaaraha Magacaaban oo kulan la tashi ah la qaatay Madaxweynihii hore

Caydiid Ali
Taboola Ads ---