Maxay ka wada hadleen Madaxweyne Qoor-qoor iyo C/raxmaan C/shakuur (Sawirro)

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-qoor) ayaa xarunta Madaxtyooyada Galmudug ku qaabilay hogaamiyaha Xisbiga mucaaradka ah ee Wadajir C/raxmaan C/shakuur Warsame oo maanta gaaray Dhuusamareeb.

Madaxweyne Qoor-qoor & C/raxmaan C/shakuur ayaa ka wada hadlay xaaladihii ugu dambeeyey ee siyaasada dalka, gaar ahaan Galmudug iyo qodobo kale

“Waxaan kulan saacado badan qaatay aniga iyo wafdigayga la qaadanay Madaxweynaha Galmudug mudane Axmad Cabdi Kaariye. Kulanka ayaan diirada ku saarnay xaaladda Galmudug, tan Soomaaliya iyo guulihii shirarkii Dhuusmarreeb. Waxaan madaxweynaha isla garanay kaalinta Galmudug ee geedi socodka dhismaha nabadda iyo dawladnimada Soomaaljya. Waxaan mar kale madaxweynaha ugu mahadcelinayaa soo dhowaynta milgaha leh ee uu inoo fidiyey aniga wafdigaygaba” ayuu C/raxmaan C/shakuur oo qoraal kooban soo dhigay baraha bulshada.

Hogaamiyaha Xisbiga mucaaradka ah ee Wadajir C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa safarkiisa Dhuusamareeb uga sii gudbi doona magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland oo ay ka socdaan kulamo siyaasadeed oo ay halkaas ku leeyihiin Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland oo dhowaan diiday ka qeyb galka Shirkii Dhuusamareeb 3 iyo natiijadii ka soo baxdayba.

Saciid Deni iyo Axmed Madoobe oo cadaadis xooggan kala kulmaya beesha caalamka diidmadooda shirka Dhuusamareeb awgeed ayaa raadinaya xulufo siyaasadeed oo garabkooda, waana taas mida keentay iney u yeeraan xubnaha mucaaradka ku ah DF ee jooga Muqdisho oo qaarkood ka gaabsadeen dalabkaas, halka C/raxmaan C/shakuur xubno uu ka mid ah yahayna ay aqbaleen iney Garowe tagaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -