Mareykanka oo Gawaari Nuuca Dagaalka ugu deeqay Ciidamada ATMIS (Sawirro)

Dowladda Mareykanka ayaa gawaari nuuca dagaalka ah ugu deeqday ciidamada Midowga Afrika ee howlgalka nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya, gaar ahaan kuwa ka socda dalka Jabuuti ee ka howlga gobolka Hiiraan.

Gaadiidka dagaal ee lagu wareejiyay ciidamada ATMIS gaar ahaan kuwa ka socda dalka Jabuuti ayaa gaaraya 24-gaari, waxaana gaadiidkan Mareykanka ugu tala galay in lagu xoojiyo howlgalada ka dhanka ah Mareykanka.

Safiirka dowladda Mareykanka u jooga Soomaaliya Larry Andre, oo wareejiyay gaadiidkan ayaa sheegay in gaadiidkan ugu tala gashay taageerada dowladdiisa iyo dadaalka loogu jiro nabadeynta iyo xasilloonida Soomaaliya iyo gobolka weyn ee Geeska Afrika.

Gaadiidkan dagaal ee loogu deeqay ciidamada ATMIS ayaa loo diri doonaa gobolka Hiiraan ay ka howlgalaan ciidamada Jabuuti, waxaana gaadiidkan la sheegay in loo adeegsan doono howlagalada ka dhanka ah Al Shabaab iyo arrimo kale.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -