Dagaalo culus oo ka socda agagaarka Isbitaalka Al-Shifa & Milateriga Israel oo..

Ciidamada Israa’iil ayaa sheegay in dagaal xooggan uu ka socdo agagaarka isbitaalka Al-Shifa.

Xaaladaha gudaha cisbitaalka al-Shifa waa “masiibo” maadaama adeegyadii muhiimka ahaa ay dameen sida uu sheegay agaasimaha isbitaalka Mohammad Abu Salmiya.

Ku dhawaad ​​7,000 oo qof ayaa hadda ku hoyda Isbitaalka, oo ay weheliyaan 1,500 bukaan iyo shaqaale caafimaad.

“Isbitaalku waxa uu waydiistay ciidanka Israa’iil 600 oo litir oo shidaal ah saacad kasta si ay u kiciyaan mishiinada, balse wali ciidanku wax jawaab ah kama bixin” ayuu raaciyay.

Axadii, militariga Israel ayaa sheegay in 300 oo litir oo shidaal ah ay dhigeen albaabka laga galo dhismaha isbitaalka, balse waxa ay sheegeen in Xamaas ay ka hor istaagtay in isbitaalka la siiyo.

Abu Salmiya ayaa u sheegay Al Araby TV in shaqaaluhu aad uga cabsadeen inay dibadda u baxaan si ay shidaalkaas u soo qaadaan sababo la xiriira dagaalo culus oo ka socda agagaarka isbitaalka.

“Waxaan u sheegnay ciidanka Israa’iil in 300 oo litir oo shidaal ah aysan ku filneyn in lagu shaqeeyo isbitaalka wax ka badan 30 daqiiqo,” ayuu mar kale yiri agaasimaha “Ma jiraan biyo dheeraad ah, cunto, caano” ayuu intaas ku daray.

Isbitaalka Al-Shifa wuxuu hoos yimaadaa Wasaaradda Caafimaadka ee Gaza, oo ay maamusho Xamaas. Israa’iil ayaa ku andacoonaysa in Xamaas ay xarunteedu tahay meel ka hoosaysa dhismaha isbitaalka. hase ahaatee Dhakhaatiirta isbitaalka iyo Xamaas way diideen sheegashadaas, iyagoo dalbaday in loo soo diro isbitaalka kormeerayaal caalami ah si ay baaritaan u sameeyaan.

Wariye ka tirsan shabakadda Al Carabiya, Khader al Zaanoun oo ku sugan gudaha isbitaalka ayaa xaalada halkaas ku tilmaamay mid argagax leh.

“Xiriirku aad buu u xun yahay, waana wax aan macquul ahayn in aan soo sheegno waxa ka dhacaya Isbitaalka iyo deyrarkiisa, waxa aan haysanaa khadadka gacanta laakiin ma haysanno internet,” ayuu yiri.

“Qofna ma dhaqaaqi karo, kumana dhiiran karo inuu isbitaalka ka baxo, waxaan aragnaa qiiq ka baxayay dhismayaasha ku yaalla agagaarka isbitaalka, waxaana ognahay inay jiraan dad ku sugan dhismayaashaas qaarkood laakiin ambalaasyadu kama bixi karaan isbitaalka sababtoo ah maalmihii ugu dambeeyay ayaa ambalaas lagu dhuftay gantaal xilli ay ka baxaysay Isbitaalka, hareeraheena oo dhan waxaa ka socda dagaalo qaraar, qaraxyada iyo rasaastu kala joogsi malaha, mana garanayo wax aan ku tilmaamo xaalada” ayuu yiri weriyaha.

Israel waxay sheegtay iney jirto wado dhanka bari ka xigta isbitaalka oo ay isticmaali karaan dadka lugeynaya, iyo ambalaasyada. hase ahaatee dad isku dayey inay isticmaalaan waddadaas si ay uga baxaan ayey ciidamada Israel toogteen, kuwaasoo xitaa la sheegay in la awoodi waayey meydadkooda in la soo qaado sida uu sheegay maamulka Isbitaalka.

Al Zaanoun wuxuu sheegay in dadka ku jira cisbitaalka ay gaajoonayaan, ma jiraan cunto ama biyo la cabbi karo, “Waxaan si dirqi ah u helnaa biyaha tuubada hal saac maalintii.” ayuu yiri

 

- Advertisement -