Allbanaadir.com
NEWS

Wararkii Ugu Dambeeyay Magacaabista golaha Wasiirada iyo Qaban qaabo socota

Waxaa goordhaw la filayaa in Ra’isul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ku dhawaaqo liiska golaha cusub ee wasiirada, oo maalmihii ugu dambeeyay waday wadatashiyo uu kusoo magacaabayo.

Ra’isul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa dhameestiray wadatashiyadii uu kusoo magacaabayay golaha cusub ee wasiirada, waxaana kaliya hadda la sugayaa in si rasmi ah u shaaciyo Ra’isul Wasaaraha liiska xubnaha cusub ee wasiirada.

Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya waxaa xilligan ka socota munaasabadda qabanqaabada magacaabista golaha wasiiradda, waxaana halkaasi ku sugan qaar kamid ah xubnaha la filayo in ay kamid noqdaan golaha wasiiradda.

Golaha cusub ee wasiiradda ayaa la filayaa in ay kasoo muuqdaan xubno badan oo katirsan xisbiga UDP uu hoggaamin jiray Madaxweyne Xasan Sheekh, waxaa sidoo kale wasiiradda la filayaa in ay kasoo muuqdaan xubno kale oo wax kasoo dhisay Madaxweyne Xasan.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’isul Wasaare Xamse Barre ayaa malamihii ugu dambeeyay waday kulamo ay taageero ugu raadinayeen xukuumadda cusub ee lasoo dhisayo .

Waxii warar kusoo kordha magacaabista kala soco wararkauaga dambe Insha Allah

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dal Afrikan ah oo lacag dhan 2.6 Milyan Dollar ku bixiyay tababar ku saabsan sida loo cabo kafeega

Cabdi Cade

(Sawirro) Dayuurad uu leeyahay Madaxweyne caan ah oo laga helay daroogo fara badan

Caydiid Ali

(Sawirro) Muxuu Wasiir Xasan Macalin ku soo arkay xabsiga dhexe ee Xamar?

Caydiid Ali