Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Deni oo Daah-furay Mashaariic kala duwan oo Garawe laga hirgelinayo (Sawirro)

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta magaalada Garoowe ka daah-furay 4 mashruuc oo isugu jira Wadooyin Laamiyo ah iyo qorsheyaasha Cagaarinta, Iftiiminta iyo nashaqdeynta magaalada.

Mashaariicda lagu horumarinayo Caasimadda ee maanta Madaxweynuhu daah-furay ayaa kala ah :-

* Xarig jarka Wadada laamiga ee cusub ee jidka 30ka oo si casri ah loo dhisay.
* Dhaggax dhiga dayactir lagu sameynayo qeybtii hore u dhisneyd Wadada jidka 30-ka.
* Mashruuca cagaarinta iyo iftiiminta magaalada.
* Qorshaha nashqadeynta magaalada

Madaxweynaha ayaa boggaadiyay shaqada wanaagsan ee socota, wuxuuna muujiyay in Dowladdu ay wakhti badan iyo dadaal gelisay, ayna ka go’antahay dhismeyaasha Wadooyinka iyo horumarinta adeega Bulshada loo hayo.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Farmaajo oo xilkii ka qaaday Maxamed Axmed Jimcaale, Mid cusubna ku bedelay

Caydiid Ali

Alexandre Bissonette oo qirtay inuu Masjid ku laayey Muslimiin salaad ku jiray (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Daawo Sawirada: Isbitaalka Kalkaal oo soo gaba gabeeyay Wejigii 3-aad ee Qaliinka dadka faruuran

Cabdi Cade