Allbanaadir.com
NEWS

Qoys ka kooban haween & caruur oo caawa lagu duqeeyey..

Degaanka Sixna oo ka tirsan degmada Qandala ee gobolka Bari ayaa sheegaya in fiidnimadii Caawa halkaasi lagu duqeeyay qoys dhan oo ay ku jiraan haween iyo carruur.

Ilo wareedyo ayaa tilmaamaya in diyaarado dagaal oo aan weli la aqoonsan ay duqeynta la beegsadeen qoyska isla markaana ay geeriyoodeen laba haween ah oo la kala oran jiray Xaawo Axmed Saalax iyo Ladan Ismaaciil Muumin, halka ay dhaawacyo qabaan 11 xubnood oo qoyska kamid ah.

Qoyska duqeyna lala beegsaday ayaa lagu magacaabo Reer Yuusuf Maxamuud Saalax, waxayna deggan yihiin meel oodan oo aan baabuur lagu tegi karin sidoo kalena magaalo ka dhaweyn waxaana la sheegay in dhaawacyadu u baahan yihiin gurmad deg deg ah balse aysan weli helin

Dhacdadan ayaa ku soo aadeysa xili degaano ka tirsan gobolka Bari ay ka socdaan howlgalo lagu baacsanayo xoogaga Daacish oo ay wadaan ciidamada maamulka Puntland oo mararka qaarkood taageero ka helaya dayuuradaha aan duuliyaha laheyn ee Mareykanka.

Related posts

(Sawirro) Ciidamada Haramcad iyo NISA oo la dhigay degaan lagu arkay Al-Shabaab

Caydiid Ali

Dowladda oo maanta xirtay agaasimayaal iyo masuuliyiin hor leh oo loo heesto Musuq

Cabdi Cade

Aadan Madoobe oo u mahad celiyey shacabka iyo Dowlada Shiinaha (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---