Allbanaadir.com
NEWS

Al Shabaab oo shaacisay in maanta dileen in ka badan 100-askari oo katirsan Liyuu Booliis (Sawirro)

Dagaal culus oo u dhaxeeyay dagaalyahanada Al Shabaab iyo ciidamada Liyuu booliis ayaa maanta ka dhacay deegaanka Aato oo katirsan gobolka Bakool, waxaana dagaalkan ka dhashay khasaaro aad u badan oo dhimasho oo kala gaaray labada dhinac.

War kasoo baxay Al Shabaab ayaa lagu sheegay in dagaalka saakay qarxay ciidamada Liyuu Booliis uga dileen ilaa 103-askari sidoo kale tiro kale oo badana dagaalkaasi ku dhaawaceen.

Afhayeenka dhinaca ciidamada Al Shabaab Sheekh Cabdicasiis Abuu Muscab ayaa sheegay in duulaanka ay ku qaadeen ciidamada Liyuu Booliis ee ku sugan deegaanka Caato ku gaarsiiyeen khasaaro aad u xoogan.

“Khasaaraha hordhaca ah ee aragnay waa dhimashada 103 katirsan maleeshiyada Liyuuga ee Xabashi kalkaalka ah, waxaa jira dhaawacyo badan oo ay dhulka baadiyaha ah ku firxaday, sidoo kale waxaan kasoo qabanay maxaabiis” ayuu yiri Abuu Muscab.

Al Shabaab ayaa soo bandhigay sawirro ay kasoo qaadeen goobaha ay dagaalku ka dhacay ay joogeen ciidamada Liyuu Booliis, waxa ayna Al Shabaab soo bandhigeen meydadka askar badan ay dileen inta uu dagaalka socday.

Related posts

Maamulka degaanka Soomaalida oo si kulul uga hadlay iscasilaada Filsan C/llaahi

Caydiid Ali

Arrin yaab leh oo ka dhacday Xarunta Ururka Dhalinyarada gobolka Banaadir (Sawirro)

Caydiid Ali

(Sawirro) Wasiirad xabsiga loo taxaabay ka dib markii ay ku soo baxday fadeexad culus

Caydiid Ali
Taboola Ads ---