Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

RW Somalia oo ka hadlay dagaalka Al-Shabaab & Ciidanka Liyuu Boolis

Raisul Wasaaraha Somalia Xamse Cabdi Barre ayaa ka hadlay dagaaladii maalmahii la soo dhaafay ku dhexmaray degaano dhaca xadka Somalia iyo Itoobiya ciidanka Liyuu Boolis iyo xoogag taabacsan Al-Shabaab.

Xamse Cabdi Barre ayaa ciidanka Liyuu Boolis ku amaanay sida geesinimada leh ee ay uga hortageen Al-Shabaabkii weeraray degaanka Soomaalida

“Tusaalaha cusubi waxaa weeyaan Deegaanka aan deriska nahay ee Soomaalida weerar baa lagu qaaday dhowr bari bay kusoo afjareen” ayuu yiri Xamse Cabdi Barre.

“Sababta ma taqaanaan, sababtu waxaa weeye gabdhihii Soomaliyeed ee carigaa joogay illaa Jigjiga ayaa soo gurmaday, meel kasta waxay Ka sameeyeen goob ay ku ururiyaan cuntada iyo biyaha iyo baabuurta xataa shacabka laga soo qaadayo oo lagu gurayo loogu geynayo” ayuu intaas raaciyey Xamse Cabdi Barre.

Sidoo kale Xamse ayaa yiri “Wiilashii markiiba way dardareen wayna soo afjareen (Argagaxisada), waxaasi waxaa weeye taageerada bulshada iyo shacabka”

Related posts

Galmudug oo qaadacday Shir Madaxweyne Xasan maanta furay (Akhriso)

Cabdi Cade

Xildhibaano cusub oo saakay kusoo baxay Doorasho la isku tanaasulay (Sawirro)

Cabdi Cade

Trump oo ka carooday cod mar kale si qarsoodi looga duubay oo la baahiyey

Caydiid Ali
Taboola Ads ---