Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Carro xoog leh oo ka dhalatay hadal uu nin Wasiir ah ku yiri gabar Muslimad ah

Wasiirka arrimaha Waxbarashada ee Kenya, George Magoha ayaa lagu eedeeyay inuu hadal xad gudub ah uu ku yiri gabar Muslim ah oo u shaqeysa telefishinka NTV ee dalkaas laga leeyahay.

Video si weyn loogu baahiyay baraha bulshada ayaa la arkayay wasiirka oo weydiinaya gabadha weriyaha ah qofka ay tahay ka hor inta uusan ka jawaabin su’aal ay weydiisay.

“Marka hore halkeed ka timid? Yaad mataleysaa? Maxaa yeelay haddii aad Al Shabaab ka socoto, kama jawaabi doona su’aashaada,” ayuu yiri Wasiir Mogoha.

Wuxuu ku sugnaa iskuul lagu magacaabo Pumwani Boys oo ku yaalla meel u dhaw xaafadda Islii ee magaalada Nairobi.

Guddoomiyaha Golaha Sare ee Muslimiinta Kenya Xasan Ole Naado ayaa cambaareeyay hadalka wasiirka oo uu ku tilmaamay mid nasiib-darro ah, isagoo ku baaqay in dowladda ay si deg deg ah tallaabo uga qaaddo wasiirka.

Dhammaan hoggaamiyayaasha ayuu ugu baaqay iney door ka qaataan kobcinta nabadda kana fogaadaan hadallo kicin kara rabashado gaar ahaan xilligan lagu guda jira u diyaargarowga doorashada Kenya.

Related posts

Shir muhiim u ahaa dowladda Soomaaliya oo Nairobi ka dhacay

Cabdi Cade

Maxay reer galbeedku ku horumareen, reer barrigana dib dhigay?

Cabdi Cade

Rag Shabaabnimo lagu eedeeyay iyo Qaraxyo la qabtay oo lasoo bandhigay (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---