Ciidanka Liyuu Boolis oo sheegay iney dagaalyahano hor leh ka dileen Al-Shabaab

Ciidanka Liyuu Boolis ee dowlad-degaanka Soomaalida ayaa sheegay iney dileen 85 dagaalyahan oo ka tirsan Al-Shabaab intii uu socday iska-horimaad kale oo Isniintii ka dhacay xuduudda Soomaaliya iyo Itoobiya Isniintii gaar ahaan Feerfeer.

Telefishanka Itoobiya ee ITV ayaa sheegay in ciidamada Ismaamulka Soomaalida Itoobiya ay dileen 85 ka tirsan Al-Shabaab, tiro intaa ka badanna ay ku qabteen degmada Feerfeer oo ku dhow xadka Soomaaliya.

Sarkaal ka tirsan ciidamada dowlad degaanka Soomaalida ayaa u sheegay Wakaalada wararka ee Reuters in 85 ka tirsan Al-Shabaab dileen.

Waxaa uu intaas ku daray in ciidamadoodu ay dileen guud ahaan 243 ka tirsan Al-Shabaab tan iyo markii kooxda xiriirka la leh Al-Qaacidda ay weerareen laba tuulo Arbacadii la soo dhaafay.

Mid ka mid ah dadka ku nool Feerfeer ee xuduudka Soomaaliya ayaa sheegay in koox ka tirsan Al-Shabaab dib loogu soo celiyay Soomaaliya intii uu socday dagaalkii ka dhacay Itoobiya Isniintii.

Weerarada Al Shabaab ay ka geystaan deegaanada ku dhow xuduuda Itoobiya ay la wadaagto Soomaaliya ayaa ah kuwo naadir ah, sababtoo ah ammaanka Itoobiya oo xoogan.

- Advertisement -