Maxay reer galbeedku ku horumareen, reer barrigana dib dhigay?

Waa Su’aal aan jawaabteeda kusoo koobi karin maaqaalkan kooban, laakin waxaan rabaa inan qoraalkeygan kaga hadlo halbeegga ugu weyn ee ay reer galbeedka kaga horumareen waddamada  barriga adduunka.

Dhabcan, reer galbeedka waa waddamada dhaca galbeedka adduunka, sida Yurub iyo Mareykan, halka reer barigana ay yihiin waddamada dhaca bariga, sida qaaradaha Afrika iyo Asiya.

Horumarka reer galbeedka ma ahan inay ka caqli badanyihiin dadka reer barriga ah, si la mid ah, dib u dhaca reer barriga kama dhigna inay yihiin dad doqomo ah, hase yeeshee, arrinta is dhaafsiiyay ayaa ah, in reer galbeedka ay caawiyaan oo gacan qabtaan midkood  fashilmay, halka reer barrigana ay dagaal la galaan midka guuleystay oo ay u muujiyaan xasad iyo xin kana hinnaasaan horumarka uu sameeyay.

Reer galbeedka ayaa ku caawiya kuwooda nolosha ku fashilmay waxbarashada. Waxay ku dhiirra geliyaan haddii waxbarashada la qabsan waayo  in waxa uu hiwaayadda u leeyahay xoogga saaro, taasoo ay u arkaan inuu faa’ido ka keeni karo. Waxaa lagu dhiiro geliyaa inuusan quusan. Waxaa loo sameeyaa goobo kuwa fashilamay talooyin lagu siiyo, loona jiheeyo halka ay wax ka qabsan karaan.

Taas kasoo horjeedkaa, waddamada barriga sida Afrika iyo waddamada carabta. Qofka nolosha horumar ka gaaray, wuxuu yeeshaa cadow fara badan oo ka xun guushiisa, kuwaasoo ka shaqeeya markasta sidii loo majaxaabin lahaa ama loo fashilin lahaa. Waxay u arkaan cadow, maadaam wax ay iyaga gaari waayeen uu ku tallaabsaday.

Dhanka Soomaliya marka ay timaadana, xaalku waa ka darranyahay, oo waxa ay mareysaa haddii adaan qeyb ka aheyn qas! Qofkii horumar waddanka kusoo kordhiya wuxuu halis ugu jiraa inuu naftiisa waayo. Haddii aad aqoon sare yeelatana ka darran, kuwa ku xasda iyo kuwa kaa maseersan ayaad marti u tahay. Waxaa yar kuwa ka fakaraya in laga faa’ideysto aqoonyahanka, laguna farxo midka horumarka soo kordhiyay.  Imisa aqooyahan ayaa naftooda  waayay oo waddanka faa’ido uu ahaa, oo loo dilay maxaad wax usoo kordhisay ama aad aqoonyahay u noqotay? Oo yaa xisaabin kara!

Aan soo yareeyee, In qofka fashilma la saacido, kan tabarta darran gacan la siiyo, waxa aad jaceshahay walaalkaa la jeclaato, kuna faraxdid guushiisa ka naxdo dhibtiis, waa sifaat ay diinteenna na bareysa, laakin nalaga waayay. “Iimaan malaha qofka illaa uu waxa uu naftiisa la jecelyahay la jeclaado walaakiis” ayuu yiri Nabiga NNKH.

W/Q  Abdinasir Safaana

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -