Saddex Wiil oo Soomaali ah oo lagu dilay goob ay ka socotay Xaflad aroos

Saddex wiil oo Soomaali ah ayaa lagu dilay toogasho ka dhacday magaaladda West Jordan ee gobolka Utah ee dalka Mareykanka, toogashada ayaana ka dhacday guri ay ka socotay xaflad aroos .

Ciidamada Booliiska magaaladda West Jordan ayaa sheegay in rasaas xoogan lagu furay guriga ay ka socotay xaflada aroos, waxaana goobtaasi ku geeriyooday saddex nin oo dhallinyaro ah oo asal ahaan Soomaaliya kasoo jeeda.

Toogashada ayaa la sheegay in uu fuliyay nin si ula kac ah rasaas ugu furay goobta ay ka socotay xaflada arooska, waxa ayna booliiska sheegeen in ay xireen ninka looga shakisan yahay in uu falkan ka dambeeyay.

Ciidamada booliisku weli ma sheegin da’da iyo magacyadda saddexda wiil ee toogashadda lagu dilay iyo qofka ay horay u sheegeen inay dilkaasi u qabteen, waxa ayna sheegeen booliiska in ay wadaan baaritaano ku aadan toogashadan.

Dalka Mareykanka ayaa waxaa ka dhaca toogtasho ay geestaan dad hubeesan, waxaana dilalka Soomaalida loogu geesto dalka Mareykanka qaarkood lagu eedeeyaa in ay geestaan dhallinyaro kale oo Soomaaliyeed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -