Allbanaadir.com
NEWS

Muwaadiniin reer galbeed ah oo lagu dilay weerarka lagu qaaday Israel & qaar lala’ yahay

Saddex nin oo British ah ayaa la sheegay inay dhinteen ama la la’yahay ka dib weerarkii Xamaas ay ku qaaday Israa’iil.

Nathanel Young, oo 20 jir ah, ayaa la dilay isagoo ka tirsan ciidamada difaaca Israel,  sida ay sheegtay walaashii Gaby Shalev. Geeridiisa waxaa markii dambe xaqiijisay safaaradda Israa’iil ee London.

Sawir qaade Ingiriis ah Danny Darlington iyo saaxiibtii Carolin Bohl oo u dhalatay dalka Jarmalka oo ku sugnaa Israel ayaa nolol iyo geeri lagu la yahay tan iyo markii uu bilowday weerarka.

Jake Marlow oo ah 26 jir  ka soo jeeda Britain ayaa isna ku sugna goob muusika lagu ciyaaro oo u dhow degaanka Kibbutz Re’im markii uu wacay hooyadiis, Lisa, ka hor waaberiga si uu u sheego in gantaallo ay kor ka duulayeen.

Saacad ka dib ayuu fariin u diray hooyadiis balse taasi waxay ahayd tii ugu dambeysay ee ay ka maqasho isaga, Safaaradda Britain ayaa sheegtay ineysan ogeyn in Marlowe la haysto ama uu dhintay

Dhinaca kale, Haweeney Faransiis ah oo ku nooleyd Israa’iil ayaa ku dhimatay  weerarrada Israel lagu qaaday sida ay xaqiijisay  Wasaaradda arrimaha dibadda ee Faransiiska, iyadoo diblomaasiyiinta Faransiiska ee ku sugan Israa’iil iyo Paris ay isku dayayaan inay caddeeyaan xaaladaha dhowr qof oo muwaadiniin ah oo aan la helin xogtooda nolol iyo geeri.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Jarmalka ayaa sheegtay in tiro ana la ogeyn oo muwaadiniinta Jarmalku ay ka mid yihiin kuwa ay Xamaas qafaasheen Sabtidii. Ma aysan sheegin inta qof ee laga yaabo inay noqon karto, laakiin waxay sheegtay in dhammaantood la rumeysan yahay inay sidoo kale yihiin muwaadiniin heysta dhalashada Israa’iil

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Ukraine, Oleg Nikolenko, ayaa sheegay in laba haween ah oo Ukrain ah la dilay. Labaduba waxay ku noolaayeen Israa’iil muddo dheer, ayuu yidhi isaga oo aan tafaasiil ka bixin xaaladihii geeridooda.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Belarus ayaa iyana sheegtay in laba qof oo Belarusian ah ay ku dhaawacmeen duqeynta magaalada Ashkelon, mid ka mid ahna uu xaaladdiisu halis tahay.

Wasiirka istaraatiijiyada ee Israa’iil, Ron Dermer, ayaa isna sheegay in muwaadiniin Mareykank oo heysta dhalashada Israel ay ka mid yihiin kuwa la qafaashay, balse ma uusan bixin intaas ka badan.

Related posts

Daawo Sawirada: Agaasime Koofi oo Masuuliyiin kala duwan kula kulmay dalka Norwey

Cabdi Cade

Volcano halis ah oo ka qarxay Buurta Merapi iyo digniin culus oo laga soo saaray (Sawirro)

Caydiid Ali

Ra’isul Wasaare Xamse oo arrimo muhiim ah kala hadlay Piem Mario Dacco

Cabdi Cade