(Akhriso) Afhayeenkii hore ee Farmaajo oo ka hadlay War lagu faafiyay Idaacada BBC-da

Afhayeenkii hore ee Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mohamed Abdullahi Farmaajo ayaa beeniyey war ay dhowaan sii deysay idaacada BBC-da oo ahaa Farmaajo uu labo jeer la kulmay xiligii uu Madaxweynaha ahaa RW hore ee Yuhuuda Benjamin Netanyahu, iyadoo warkaas laga xigtay Wargeyska The Times of Israel

“Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mohamed Abdullahi Farmaajo waxa uu bogaadinayaa Hay’adda Warbaahinta BBC-da sida ay uga garaabtay dacwaddii uu u gudbiyey Xafiisku, iyaga oo dib uga laabtay xog aan sax ahayn oo ku saabsan safar aan jirin oo ay kaga been abuurteen Madaxweynaha” ayaa lagu yiri qoraal uu soo saaray C/rashiid Maxamed Xaashi Afhayeenka Madaxweynihii hore.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA AFHAYEENKA

- Advertisement -