Allbanaadir.com
NEWS

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Bogaadiyay Dadaalo Britain ku taageereyso BFS (Sawirro)

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Sheikh Adan Mohamed Nur Madobe ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha dowladda Ingriiska u qaabilsan dalkeenna marwo Kate Foster.

Danjiraha ayaa marka hore Guddoomiyaha la wadaagtay sida dowladda Ingiriiska ay uga go’an tahay wax ka qabashada Abaaraha iyo in ay si buuxda u taageeri doonto tababarada shaqaalaha baarlamaanka.

Guddoomiyaha ayaa dhankiisa boggaadiyay dedaalada dowladda Ingriiska ay ku taageerayso baarlamaanka JFS, kaas oo wax badan ka tari doona shaqada Golaha Shacabka, waxaana uu ahmiyada kowaad siiyay sidii wax badan loogu qaban lahaa Abaarahan soo noqnoqday.

Related posts

Ciidamada Amniga Boosaaso oo qabtay nin ajnabi ah iyo Qaraxyo (Sawirro)

Cabdi Cade

(Akhriso) Dowlad degaanka Soomaalida oo shaaciyay in la soo afjaray weerarkii Al-Shabaab

Caydiid Ali

Natiijada Imtixaanka Shahaadiga ee Dugsiga sare oo goordhaw la shaaciyay iyo Arday badan oo…

Cabdi Cade
Taboola Ads ---