Ra’isul Wasaare Xamse oo arrimo muhiim ah kala hadlay Danjire Maxamed Rashiid (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre oo Xafiiskiisa ku qaabilay Sii-hayaha Safiirka Safaaradda Jamhuuriyadda Jabuuti ee Soomaaliya Mudane Mohamed-Rashid Ibrahim Yuusuf.

Ra’isul Wasaare Xamse Cabdi Barre iyo Safiirka ayaa kulankooda gaar ah uga wada hadlay arrimo dhoor ah oo ay kamid ahaayeen adkaynta xiriirka walaaltinimo ee ka dhaxeeya labada dal iyo labada shacab.

Xamse Barre ayaa sheegay in Jabuuti ay tahay dal walaal ah oo xiliyo adag soo garab taagnaa Soomaaliya, isla markaana ay xukuumaddiisu sii amba-qaadi doonto xoojinta xiriirka labada dal, isagoo uga mahadceliyey taageeradooda walaaltinimo.

Kulankan ayaa imaanaya xilli Madaxweyne Xasan Sheekh shalay kasoo laabtay safar uu ku tagay dalka Jabuuti, waxa uuna halkaasi kulamo miro dhal ah kula soo qaatay Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -