Allbanaadir.com
NEWS

Diyaarad Rakaab waday oo goordhaw ku dhacday Garoonka Aadan Cadde

War goordhaw kusoo dhacay shabakada Allbanaadir ayaa sheegaya in diyaarad rakaab siday oo leedahay shirkada Diyaaradaha ee Jubba Airways ay kusoo dhacday garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Goobjooge ku sugan garoonka ayaa noo sheegay in diyaarada iyada oo holceysa ku dhacday qeyb kamid ah garoonka Aadan Cadde, waxa ayna diyaaradan oo kasoo duushay magaalada Baydhabo siday rakaab ka badan 30-qof.

Wali lama oga khasaaraha ka dhashay diyaaradan shilka ku gashay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, waxaana socda gurmad degdeg ah oo loo fidinayo diyaarada goordhaw ku dhacday garoonka Aadan Cadde.

Waxii warar ee soo kordha kala soco wararkayaga dambe Insha Allah

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowlada Soomaaliya oo soo saartay Habraaca Caafimaad ee Duulimaadyada Dibadda (Akhriso)

Cabdi Cade

(Sawirro) Maxay ka wada Laftagareen iyo saraakiisha ciidanka Liyuu Boolis?

Caydiid Ali

War- Murtiyeed laga soo saaray Shir Muqdisho uga socday DF iyo dowlad goboleedyada

Cabdi Cade
Taboola Ads ---