Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Ciyaar dhaqameedka Shirta ee Banaadiriga oo galabta lagu qabtay Xamar-weyne (Sawirro)

Degmada Xamarweyne ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa lagu qabtay galabta ciyaar dhaqameedka la yiraahdo shirta oo sanad walba xiligan oo kale laga dhigi jiray degaan xeebeedyada ku yaala gobolada Banaadir iyo labada Shabelle.

Waxaa galabta ka qeyb galay munaasabadan Masuuliyiin ka soo jeeda beelaha Banaadiriga iyo waxgarad ka tirsan beelaha Banaadiriga.

Dad boqolaal gaaraya oo isugu jira rag wata ulo dhaadheer iyo dharka hidaha iyo dhaqanka iyo waliba haween iyo caruur ayaa isugu soo baxay wadooyinka ciriiriga ah ee degmada X/weyne halkaasoo ay ku soo bandhigeen ciyaarta loo yaqaano shirta, iyagoo ku dhawaaqayey ereyo kala duwan.

Dadka isu soo baxay galabta oo aad uga yaraa kuwii soo bixi jiray xiliyada sida rasmiga ah ciyaartan loo qaban jiray sanad walba ayaa qaar ka mid ah waxgaradka reer banaadirigu waxay sheegeen intii sanado ah ay joojiyeen ciyaarahan caado dhaqameedka ah sababo la xiriira xaaladaha adag ee dalku uu ku sugan yahay.

“Dhalinyaradan iskugu soo baxay X/weyne waa kuwo iska xusuusanaya ciyaartaas oo la qaban jiray sanad walba xiligan oo kale, ciyaarta shirtana lama abaabulin sanadkan iyo sanadihii ka horeeyey sidana aad ayey uga balaaran tahay ” sidaa waxaa yiri mid ka mid ah waxgaradka.

Ciyaaraha loo yaqaano shirta, badgalka, iyo Istunka ayaa lagu qaban jiray sanad walba xiligan oo kale magaalada Muqdisho iyo degmada Afgooye marka uu bilowdo sanadka loo yaqaano dabshidka waxaana ciyaarahan ay soo jireen muddo ka badan 800 oo sanadood, sida ay sheegeen waxgaradka reer Banaadiriga.

Related posts

Beel kahor timid Golaha Wasiirada uu magacaabay Madaxweynaha Galmudug

Cabdi Cade

Maxkamad maanta lasoo taagay Siyaasi iyo Odayaal dhawaan ay xireen Ciidamada Puntland

Cabdi Cade

Madaxweyne Farmaajo oo ka biyo diiday in uu dib u celiyo Baasaboorka Mareykanka

Cabdi Cade
Taboola Ads ---