Mid kamid ah Wadamada Islaamka oo hakiyay Qorshe Caasimad cusub ku dhisan lahaa !!

Dowlada Indonesia ayaa hakisay qorshe ay ku dooneysay in sanadka soo socda ee 2021-ka ku bilowdo dhismaha magaalo cusub oo caasimad u noqon laheyd dalkaasi ,kadib markii caasimada Jakarta ee noqotay mid cariiri ah.

Xukuumada Indonesia ayaa la sheegay in ay hakisay qorshaha caasimadan cusub lagu dhisi lahaa kadib markii dalkaasi uu saameyn xoogan ku yeeshay cudurka safmarka ah ee Caronavirus lana degay dhaqaalihii dalkaasi.

Masuuliyiin katirsan dowlada Indonesia ayaa laga soo xigtay in la hakiyay qorshe ay ku bixi laheyd balaayiin Dollar oo la doonayay in caasimad cusub looga dhiso jasiiradda Borneo, lamana oga xiliga dib loo bilaabi doono qorshaha caasimadan cusub lagu dhisayo.

Madaxwaynaha dalka Indonesia Joko Widodo ayaa sanadkii hore shaaciyay in uu bilaaban doono mashruuc weyn oo sanadka 2021-ka lagu dhisayo caasimada cusub, waxa uuna xusay in Caasimada Jakarta ay noqotay cariiri lana doonayo in laga guuro.

Magaalada Jakarta ee caasimada Dalka Indonesia waxaa kunool dad ka badan 10-milyan oo qof, waxaana magaaladan nolosheeda saameyn badan ku yeeshay cariiriga dhismayaasha oo kusii badanaya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -