Taliska booliiska oo faah faahin ka bixiyay rag lagu toogtay Muqdisho iyo qaraxii saakay

Taliska ciidanka booliiska Soomaaliya ayaa faah faahin ka bixiyay qaraxii ay saakay fashiliyeen ciidamada booliiska Soomaaliya iyo labo nin hubeesan ay toogteen ciidamada amaanka.

Taliye kuxigeenka ciidanka booliisla Jen Zakiya Xuseen ayaa sheegtay in ciidamada amaanka ka hortageen gaari waxyaabaha qarxa ka buuxeen oo shacabka lagu dhibaateyn rabay, waxa ayna xustay in qaraxaasi la fashiliyay uusan dhibaato kasoo gaarin shacabka.

”Hay’adaha Amniga oo xogta qaraxa horay ula socday ayaa manta fashiliyay qaraxa la rabay in shacabka lagu waxyeeleeyo, dhagar qabaha ayaa is ku dayay in uu gaariga xoog ku soo jiirsiiyo goob u xiran Ciidamada amaanka, waxaa hay’adaha amaanka u suurtagashay in ay xiraan goobtaas shacabkana ay ka fogeeyaan qaraxa ka hor. Nasiib wanaag wax dhimasho iyo dhaawac shacab ah kama aysan dhalanin qaraxaas.” ayey tiri Jen Zakiya.

Waxa ay sidoo kale taliye kuxigeenka ciidanka booliiska Soomaaliya Jen Zakiya sheegtay in ciidamada booliiska toogteen labo nin oo katirsan Al Shabaab kuwaa ay sheegtay in ay doonayeen in ay xoog uga gudbaan bar koonatrool oo Zeybiyaano taala.

” Dhanka kale waxeey Ciidamada amniga dileen labo ka tirsan argagixisada Al Shabaab oo isku dayay in ay xoog ku soo maraan bar kontrool oo ay ciidanka ku leeyihiin Seybiyaano ee degmada Hodan.” ayey tiri Jen Zakiya,

Taliye kuxigeenka booliiska Soomaaliya ayaa sheegtay in qaraxan horey digniin uga bixiyeen, waxa ayna shacabka uga mahad celisay la shaqeynta ciidamada booliiska si looga horago qaraxyada iyo qataraha kale ee dhibka kasoo gaari karaan shacabka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -