Allbanaadir.com
NEWS

RW Xamse oo u Mahadceliyay Mareykanka Wadashaqeyn dhawna u ballanqaaday (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federalka ee Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta qaabilay Safiirka dowladda Mareykanka u jooga Soomaaliya, Danjire Larry Andre .

Xamse Barre iyo safiirka Mareykanka u jooga Soomaaliya ayaa waxa ay ka wada hadleen arrimo dhoor ah ay kamid yihiin xoojin xiriirka iyo wada shaqeynta u dhaxeysa labada dal ee Soomaaliya iyo Mareykanka.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa uga mahadceliyay dowladda Mareykanka taageerada ay siiso Soomaaliya, isaga oo sheegay in xukuumaddiisa cusub ay sii wadi doonto wadashaqeynta, isla markaana ay xoogga saari doonto sugidda amniga dalka.

Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya ayaa wada kulamo kala duwan uu la qaadanayo qaar kamid ah Wakiiladda waddamada caalamka u jooga Soomaaliya, kuwaa uu kala hadlayay sidii ay u taageeri lahaayee xukuumadiisa.

Related posts

Xamse oo baabi’iyey heshiis ay dhowaan kala saxixdeen Somalia & Turkiga (Akhriso)

Caydiid Ali

Galmudug oo Cadeesay Mowqifkeeda ku aadan khilaafka cusub ee soo kordhay (Akhriso)

Cabdi Cade

Dowladaha Soomaaliya iyo Switzerland oo arrimo muhiim ah iska kaashanaya (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---