Qarax aad u xoogan oo dhaliyay khasaaro oo goordhaw ka dhacay Hotel Kuyaalla Jowhar

Wararka aan ka heleyno magaalada Jowhar ee caasimadda maamulka Hirshabelle ayaa sheegaya in goordhaw qarax aad u xoogan oo loo adeegsaday gaari Dyna ah oo waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay lagu weeraray hotel lagu magacaabo  Nuur Doob.

Wasiir katirsan maamulka Hirshabelle oo ka badbaaday qaraxa ayaa u sheegay Allbanaadir in qarax aad u xoogan mar qura ka dhacay hotelkii ay joogeen, waxa uuna xusay in qaraxa uu dhaliyay khasaaro badan.

Qaraxa oo ahaa mid aad u xoog badan ayaa dhulka dhigay hotelka la weeraray ee Nuur Doob iyo hoteelo kale iyo dhismayaal  ku dhegan, waxaa sidoo kale qaraxa uu waxyeelo gaarsiiyay goobo badan oo magaalada katirsan.

Sida aan wararka ku heleyno qaraxa ayaa khasaaro gaarsiiyay masuuliyiin katirsan maamulka Hirshabelle ay ku jiraan wasiiro , siyaasiyiin iyo qaar kale oo kamid ah shaqaalaha maamulka Hirshabelle.

Hotelka la qarxiyay ayaa la tilmaamay in ay degan yihiin inta badana ka cunteeyaan masuuliyiin katirsan maamulka Hirshabelle iyo siyaasiyiin, walina si dhab ah looma oga khasaaraha qaraxan ka dhashay inta uu dhan yahay.

Waxii soo kordha kala soco wararkayaga dambe Insha Allah

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -