Allbanaadir.com
NEWS

Dowladaha Soomaaliya iyo Switzerland oo arrimo muhiim ah iska kaashanaya (Sawirro)

Wasiirka Arrimaha dibedda XFS Mudane Abshir Cumar Jaamac oo magaalada Doha ee dalka Qatar kaga qayb gelaya shirka caalamiga ah ee wadamada soo koraya ( LDC5) oo tobbankii sano ba mar la qabto, ayaa kulan doceed muhiim ah la yeeshay Agaasimaha guud ee Hay’adda Horumarinta iyo Iskaashiga dowladda Federaalka ah ee Switzerland Amb. Patricia Danzi.

“Waxaan ka wada hadalnay dhinacyada aan iska kaashan karno iyo khibradda Dowladda Switzerland ee dhinacyada horumarinta arrimaha bulshada maadaama ujeedada ugu weyn ee shirkani ay tahay in wadamada horumarka sameeyay khibraddooda iyo taageeraba la wadaagaan dalalka soo koraya”ayuu yiri wasiir Abshir.

Kulankan ayaa waxa Wasiirka ku weheliyay Wasiirka Waxbarashada iyo tacliinta sare ee XFS mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir iyo madaxa ergada inoo joogta xarunta qaramada midoobay ee New York Danjire Abuukar Baalle.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ruushka oo sheegay in diyaaradda Prigozhin laga yaabo in si ulakac ah loo soo riday

Caydiid Ali

Awaamiir ka soo baxday Israel oo ka dhaqan galay Lubnaan

Caydiid Ali

Jeneraal Asad Diyaano oo si weyn ugu mahadceliyay dowladda Turkiga

Cabdi Cade
Taboola Ads ---