Dal Muslim oo dadka ka mamnuucaya dhaqashada Eeyaha iyo Bisadaha

Dalka Iran ayaa dhawwaan la qorsheenaya in  laga mamnuuco dhaqashada eeyaha iyo bisadaha ,oo inta badan dadka shacabka ah ku heestaan guryaha kuna xanaaneestaan.

Booliiska magaalada Tehran ee caasimadda Dalka Iran ayaa dhawwaan soo saaray sharci mamnuucaya iyo eeyaha magaalada lagu dhax wato, waxa ayna booliiska sheegeen in dambi tahay qofkii lagu qabto isaga oo eey magaalada ku dhax wata.

Mamnuucida in eeyaha lagu dhax wato magaalada Tehran ayaa lagu sheegay in faa’iido u tahay dadka, waxaana shacabka heesta eeyaha lagu amray in ay ku heestaan guryahooda iyo goobahooda gaarka ah.

Dhinaca kale Baarlamaanka dalka Iran ayaa dhawwaan lagu wadaa in ay ansixiyaan sharci cusub oo mamnuucaya dhaqashada xayawaannada qaar sida eeyda iyo bisadaha dadka heestaan.

Baarlamaanka dalka Iran haddii ay meel mariyaan sharcigan mamnuucaya dhaqashada eeyaha iyo bisadaha ayaa waxaa dambi noqonaya qofkii lagu arko isaga oo eey ama bisad heesta .

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -