Xuska Afgambigii dhicisoobay ee ka dhacay Turkiga oo lagu qabtay Muqdisho (Sawirro)

Waxaa shalay magaalada Muqdisho gaar ahaan xarunta safaarada dowladda Turkiga lagu qabtay munaasabad balaaran oo lagu xusayay afgambigii fashilmay ee ka dhacay dalka Turkiga sannadkii 2016-kii.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka, Mahdi Maxamed Guuleed iyo masuuliyiin kale oo dowladda katirsan ayaa ka qayb galay munaasabad lagu xusayay afganbigii dhicisoobay ee ka dhacay waddanka Türkiye 15-kii July 2016-ka.

Munaasabada intii ay socotay ayaa looga hadlay taariikhda dalka Turkiga iyo sidoo kale qaabkii uu u dhacay afgambigii fashilmay ee lala damacsanaa in xilka looga tuuro Madaxweynaha Turkiga Rejen Tayib Erdogan.

Ra’isul Wasaare kuxigeenka dalka Mahdi Guuleed, oo munaasabada ka hadlay ayaa sheegay in dowladda Turkiga ay tahay walaal Soomaaliya ku weyn una soo gurmaday xilli loo baahnaa, waxa uuan sheegay in dadka Soomaaliyeed garab joogaan walaalahooda Turkiga.

Dalka Turkiga ayaa  15-kii July 2016-kii waxaa ka dhacay afgambi la doonayay in xilka looga tuuro Madaxweyne Erdogan, waxaana afgambigaasi fashilmay loo sameeyay maalin la xuso oo ku suntan maalinta ilaalinta midnimada iyo dimoqraadiyadda Turkiga.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -