Allbanaadir.com
HIRSHABELLENEWS

Ciidamada amaanka oo qabtay nin dil argagax leh u geestay Haweeney Ganacsato ah

Ciidamada booliiska ee ka howlgala magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa gacanta kusoo dhigay nin dil argagax leh u geestay Haweeney kamid aheyd ganacsatada Jaadka ku iibiya Baladweyne.

Goobjoogayaal ayaa ku waramay in ninka dilka geestay iyo Haweeneyda la dilay oo magaceeda lagu sheegay Xaliimo Ilyaas uu soo kala dhax galay muran markii dambe sababay in toorey ninka dhinaca dhuunta ka galiyo gabadha ganacsatada aheyd.

Haweeneyda tooreyda lagu dhuftay iyada oo dhaawac daran loola cararay isbitaalka ayaa markii dambe geeriyootay, waxaana dilkan aad uga argagaxay dadkii ku sugnaa goobta uu ka dhacay.

Ninkii dilka geestay oo isku dayay in uu baxsado ayaa markii dambe waxaa gacanta kusoo dhigay ciidamada booliiska oo ku xiran saldhiga booliiska magaalada Baladweyne, waxaana la filayaa in ninkaasi maxkamad lasoo taago.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Farmaajo oo la sheegay in Dastuurka iyo Danta Qaranka uu kala weyn yahay Fahad Yaasin

Cabdi Cade

Xildhibaan rasaas khasaare geesatay ku furay dad banaan bax dhigayay (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Booliiska Bosaaso oo soo xiray koox tacadi fool xun kula kacay qoys danyar ah (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---