Kaneeco dhimatay oo Sabab u noqotay in la qabto Tuug hanti qaali ah xaday !

Ciidamada booliiska dalka Shiinaha ayaa xiray nin tuug ah oo dhac u geestay guri kuyaalla koonfur bari ee magaalada Fuzhou kana qaatay hanti qaali ah, waxaana qabashada ninkan sabab u aheyd kaneeco gurigaasi ku nooleed.

Warbaahinta South China Morning Post ayaa baahisay in ciidamada booliiska Shiinaha tageen guri dabaq ah uu xatooyo ka geestay ninka burcadka ah, waxa ayna booliiska halkaasi ka heleen labo kaneeco uu dilay ninka burcadka ah.

Booliiska oo baarayay guriga tuuga dhacay ayaa darbiga guriga ku arkay labo kaneeco uu dilay ninkii burcadka ahaa iyo dhiig darbiga ku yaallay, waxaana baaris ay booliiska ku sameeyeen kaneecada ka heleen DNA-da ninka burcadka ahaa.

Baaritaanka hide sidaha DNA-da oo la sameeyay ayaa booliiska ku ogaaday in dhiiga darbiga ku yaallay uu ahaa midka nin dambiile ah oo si weyn loo yaqaano, waxaana booliiska wareysi ay ka qaadeen ninka burcadka ah ku qirtay falka xatooyada.

Waddamada horu maray ayey u sahlantay qabashada iyo aqoonsiga dadka burcadka ah iyo kuwa dilalka geesta, waxaana sheekada ninkan burcadka ah ee sababta u noqotay qabashadiisa kaneecada si weyn looga hadal hayaa dalka Shiinaha.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -