Deni oo daahfuray Shirweyne dhaqaale ururin ah, kuna deeqay Milyan Dollar (Sawirro)

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa xalay si rasmi ah u daahfuray Shirweynaha gurmadka Abaaraha oo ah Shir loogu qareemayo looguna gurmanayo dadka ay Abaartu saameysay.

Deni oo muujiyay sida Maamulku ula damqanayo Bulshadiisa ayna muhiimad u siinayaan ka jawaabista xaaladda ka dhalatay Abaarta, ayaa Kulanka kaga dhawaaqay in Dowladdu $1Million ku shubayso sanduuqa Gurmadka Abaaraha ee Puntland si loogu billaabo caawimaada dadka Abaartu saameysay, Wuxuuna Madaxweynuhu ku baaqay in laga wada qeyb qaato Gurmadka.

Guddiga Abaaraha u qaabilsan Puntland oo kaashanaya Wasaaradda Gargaarka iyo maareynta masiibooyinka ee Puntland iyo Hay’adaha kale ee ay khuseyso ayaa Shirweynaha gurmadka Abaaraha kusoo bandhigay warbixino ka hadlaya heerka ay marayso xaaladda ka dhalatay Abaarta ka jirta Puntland iyo qorsheyaasha sida loo caawin karo dadka.

Madaxweynaha waxaa Shirweynaha kala qeybgalaya Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Ergayga gaarka ah ee Madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan Arrimaha gurmadka Abaaraha, Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, Guddiga Abaaraha Puntland, Wasaaradda Gargaarka iyo maaareynta masiibooyinka ee Puntland, Goleyaasha Dowladda iyo Hay’adaha Caalamiga ah ee ka howlgala Puntland .

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa kadib daah-furka Shirweynaha gurmadka Abaaraha, wuxuu  Shir-doceed la yeeshay Ururada Bulshada Rayidka ah ee Puntland.

Madaxweynaha ayaa Ururada Bulshada kala  hadlay kaalintooda ku aadan ka qeyb qaadashada gurmadka loo fidinayo dadka Abaaruhu saameeyeen, isagoo la wadaagay sida ay Dowladda uga go’antahay qorshaha gurmadka Abaaraha oo ay kawada qeyb qaadanayaan Dowladda, Culimada iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

- Advertisement -